Home Wararka Somaliya Galmudug Gallad Cilmi Dhuxul oo Gaari ka Horgeeyey mid kamid ah Gaariyaashi Qaraxyada...

Gallad Cilmi Dhuxul oo Gaari ka Horgeeyey mid kamid ah Gaariyaashi Qaraxyada Siday ee lagu Weeraray Dhuusamareeb iyo Kahasaaraha Ka dhashay Qaraxyadaas

0

Gallad Cilmi Dhuxul Hoosagale waa askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo saaka fashiliyay mid ka mid ah qaraxyadii lagu joojiyay bannaanka hore ee Magaalada Dhuusamareeb.

Gaari boolis oo darawal uu ka ahaa ayuu ka horgeeyay gaari Leyla Calaawi ahaa oo walxaha qarxa lagu soo raray.

Gallad Hoosagale waa dhaawac, mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Magaalada Dhuusamareeb ayaana xaaladdiisa lagu la tacaalaya.

Duqa Magaalada Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow) ayaa ballanqaaday in la abaalmarin doono askartii fashilisay weeraradaasi argagixiso.

Dhanka kale 6 Askari oo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid ayaa ku dhaawacmay Qaraxyadaan Mana jirto Wax Dhimasha ah oo ka dhashay Qaraxyadaan Marka Laga Soo Reebo Labadii nin ee Wada Gadiidka Is Qarxiyay.

Ad
Previous articleMasuulkii la sheegay in xilka looga qaaday ‘booqashada Laascaanood’ oo faahfaahin bixiyay
Next articleGalmudug oo War kasoo Saaratay Qaraxyadii Saakay lagu Qaaday Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here