Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay safar dibadeed laba maalin kadib qaraxyadii...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay safar dibadeed laba maalin kadib qaraxyadii lagu Hoobtay ee ka dhacay Zoobe

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay u baxay safar kale oo dibadeed isaga oo gaaray magaalada Khartoum ee dalka Sudan, ugana sii gudbaya dalka Algeria, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Xasan Sheekh ayaa Algeria uga qeyb-galay shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta, sida ay madaxtooyada sheegtay.  

Safarka cusub ayaa imanaya laba maalin kadib markii 120 lagu dilay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, boqolaal qof oo dhaawac ahna ay weli ku jiraan isbitaallada, taasi oo dhalineysa su’aallo ku saabsan haddii safarka xilligan uu habboonaa. 

Hase yeeshee, Villa Somalia ayaa isku dayday inay qiil u sameyso safarkan islamarkaana xiriiriso safarka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.   

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa caawa gaaray magaalada Khartuum, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Qaar ka mid ah shacab ka falceliyey qoraalka safarka oo lasoo dhigay bogga Villa Somalia ee Facebook ayaa muujiyey sida aysan ugu qanacsaneyn, ayaga oo soo dhigay qoraallo canaan ah.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo xil u magacowday Abwaan Guure
Next articleVilla Somalia oo shaacisay mowqif ku aadan beegsiga qoysaska kooxda Al-Shabaab xili shalay wiilal Alshabaab dhaleen Si xun loo dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here