Home Wararka Maanta Hub Qaraxyo iyo Rag Ka Tirsan Alshabaab oo lagu Qabtay Suuqa Bakaaraha(Sawiro)

Hub Qaraxyo iyo Rag Ka Tirsan Alshabaab oo lagu Qabtay Suuqa Bakaaraha(Sawiro)

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa galinkii dambe ee maanta gacanta kusoo dhigay soo bandhigay hub culus oo ay ku jiraan qaraxyo iyo gaadiid.

Sidoo kale waxaa howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan oo ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ay ka fuliyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo ka agdhaw ayaa waxaa lagu soo qabtay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Walxahan ayay kooxda Al-Shabaab ay doonayeen inay ku dhibaateeyan shacabka Soomaaliyeed, waxayna iskugu jiraan bambooyinka gacanta laga tuuro, qoryo waaweyn iyo rasaas aad u tira badan.

Ciidanka ayaa intii uu socday howl-galkan gudaha u galay guryo kale oo ku yaalla Tarakabuunka, oo uu ku hoggaamiyay mid kamid ah xubnaha lasoo qabtay, kuwaasi oo loogu tegay hub badan oo qeyb ka ah kuwa ay ciidanku warbaahinta usoo bandhigeen.

Hay’adaha ammaanka ayaa sida muuqata ku guulaystay inay fashiliyaan dhagarta aan muuqan ee kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan dekedda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo kooxda loo waday.

Alaabtaas oo u badneyd kuwa ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan saanad ciidan ayaa la sheegay in lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, islamarkaana laga soo dajiyay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa isla maalinkaas waxaa lagu qabtay qalab kale oo loo adeegsado qaraxyada, oo isleeyihiin kan dekedda lagu qabtay, loona waday kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous articleOdayaashi ka tagay Muqdisho ee tagay Hargeysa oo ku Hungoobay Lakulanka Muuse Biixi
Next articleMidowga Yurub oo dib u fasaxay lacagtii uu ku kabi jiray miisaaniyadda dowladda oo Xiligii Farmaajo la Hakiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here