Home Wararka Maanta Markab Sharci daro uga Kaluumaysanayay Xeebaha Galmudug oo dhaawacay Taliye Ku xigeenka...

Markab Sharci daro uga Kaluumaysanayay Xeebaha Galmudug oo dhaawacay Taliye Ku xigeenka Ciidamada Xeebaha Galmudug

0

Labo qof oo mid yahay taliye Kuxigeenka Ciidanka Ilaalada xeebaha Galmudug ee Degmada Hobyo ayaa ku dhaawacmey rasaas uu ku furay markab.

Markab ayaa ka mid ah maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumeysta Xeebaha Dalka oo ku soo dhawaadey xeebta Hobyo.

Dhaawaca ragan ka tirsan Ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ayaa yimid xili ay isku dayeen in ay ku dhowaadaan markab ay cabasho ka keeneen kaluumeysatada Deegaanka kaasi oo in mudo ahba xeebta dhow ee Hobyo ka wadey xaalufin ba’an.

Markabka ayaa la sheegay in uu dib u sigay markii is rasaaseyn ay dhexmartay labada dhinac, waxaana ciidanka Galmudug ay dib ugu soo laabtaan Hobyo.

Ad
Previous articleMooshin ku saabsan Doorashada oo Biri Xildhibaanada Golaha Shacabka Horyaala
Next articleMidowga Musharaxiinta oo Goor dhaw Shir jaraa”id kaga hadli doona Kulan Golaha shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here