Home Wararka Maanta Wasaaradda Amniga Galmudug oo War ka soo saartay Howlgallo iyo Dagaalo ka...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo War ka soo saartay Howlgallo iyo Dagaalo ka dhacayay Gobalka Mudug

0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa War ka soo saartay Dagaalo iyo Howlgallo Maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Qeybo ka mid ah Gobalka Mudug.

Qoraalka Wasaaradda ayaa u qornaa sidaan.

” Ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa weeraro qorshaysan ka wada shantii maalmood ee u danbaysay fariisamo kooxaha argagixisadu ay ku lahaayeen deegaamo dhinacyada ka xiga magaalada Camaara.

Aragagixisada ayaa jab iyo khasaaro xooggan la gaarsiiyey ayadoo ciidamada huwanta ahi ay la wareegeen goobo istaatiiji ah oo ay ka mid yihiin Qodqod iyo Qaycad, loona ruqaansaday dhanka Camaara.

Shacabka deggan deegaanada koofurta Mudug ayaa ku soo warramaya in Kooxda Shabaab ay ka guurayaan magaalooyinka iyo tuulooyinkii ay sanado badan ku sugnaayeen, una guurayaan dhanka koofurta.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo shaqaalaheeda Fasax galisay
Next articleCiidanka Galmudug iyo Kuwa Dowlada oo la Wareegay Deegaanka Qaycad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here