Home Wararka Somaliya Galmudug Horjoogayaal Sar Sare oo ay ku jiraan Cartan Iley oo howlgal qorsheysan...

Horjoogayaal Sar Sare oo ay ku jiraan Cartan Iley oo howlgal qorsheysan lagu dilay kadib Dagaal Qaraar oo Ka Dhacay Galmudug

0

Howlgal ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta degaanka ay ka sameeyeen degaanada Ceel Qansax & Ceel Huyun oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa lagu qaarajiyay saraakiil la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegay in nin lagu magacaabo Cartan Iley oo ahaa Gacan-yaraha Shiikh Kabakutukade lagu dilay howlgalka.

“Sidoo kale Ciidanku waxaa ay burburiyeen saldhigyadii Kooxda Khawaarijta ee deegaannadaas” ayaa lagu yiri war laga sii daayey warbaahinta DF.

Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan isla kooxda Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Daahir Calasow ayaa sidoo kale lagu dhaawacay howlgalkan gaarka ah.

“Horjooge Daahir Calasow waxaa uu dhibaato xoogan ka geystay Gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah al-shabaab ka wada degaano badan oo ka tirsan Galgaduud, halkaasoo ay ciidamada gacanta ku dhigeen degaanno horay uga maqnaa gacanta dowlada.

Ad
Previous articleWaa kuma Janaraal Xamdan, ninka hoggaaminaya xoogagga RSF ee Sudaan Dagaalka Culus Kawada ?
Next articleCiidamada dowladda oo la wareegay Deegaanka Dahar Faqay kuna dilay Horjooge (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here