Home Wararka Maanta Booliska Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Qarixii ismiidaaminta Ee ka Dhacay...

Booliska Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Qarixii ismiidaaminta Ee ka Dhacay Muqdisho iyo Cifa lala Beegsaday

0

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii maanta ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa is-miidaamin uu qofka fuliyey bartilmaameedsaday gawaari ku sugneyd Checkpointiga laga galo garoonka Aadan Cadde.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa General Garabey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka, kaas oo uu gaarigaasuu taagnaa goobta, balse waxa uu sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaasi, uuna haatan caafimaad qabo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ruuxa is qarxiyey uu rabay inuu qabsado daaqadda gaariga oo ahaa nooca aan xabadda karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Shaqsi isku xiray walxaha qarxa oo naftii halige ah ayaa wuxuu si toos ah u beegsaday gawaaridii taagneyd Checkpointiga, gawaaridaas oo uu ka mid ahaa gaariga General Garabey oo sida idin muuqata rabay inuu daaqadda ka qabsado, balse gaariga oo ahaa baabuurta aan xabadda karin aawgeed Ilaaheyn nooga bad-baadiyey Jananka, wuuna caafimad qabaa, waxa dhib ahna ma jiraan,” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Booliska.

Ad
Previous articleCiidamada ATMIS oo War Culus kasoo Saaray Weerar ay Ahlusuno Qorshaynayso inay Degaanada Galmudug kusoo Qaadaan
Next articleBandow lagu soo rogay goobta ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here