Home Wararka Maanta Galmudug oo 60 Shabaab Ah ku Dilay Dagaal Iyo Duqeymo Ka...

Galmudug oo 60 Shabaab Ah ku Dilay Dagaal Iyo Duqeymo Ka Dhacay Gobolka Mudug

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal iyo duqeymo wada socday oo ka dhacay howdka deegaanka Qaycad ee koofurta gobolka Mudug, halkaasoo ay isku fara saareen ciidamadda dowladda iyo kuwa Shabaab.

Wararka ayaa tilmaamaya in kudhowaad 60 Shabaab ah lagu dilay dagaalkan, sidoo kalena hub fara badan looga furtay, waxaana deegaanka lagu diriray haatan kusugan ciidamadda dowladda.

Saraakiil iyo mas’uuliyiin u hadashay dhanka maamulka deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dhankooda uu iska hor-imaadkan uga dhinteen ilaa 4 askari, dhaawacyo kalena ay jiraan.

Cabdi Garaad Cumar Maxamed oo ka Tirsan Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa sheegay iney sii wadayaan gulufka dagaal ee ku foorara Shabaab, wuxuuna shacabka ku amaanay sidey ula soo wadaagayaan dhaq dhaqaaqyada Shabaabka ku sugan deegaanadooda ee dhibaatooyinka kala duwan ku haya si looga dulqaado.

Gobolka Mudug ayaa waxa uu kamid yahay meelaha ugu daran ee Shabaab culeyska lagu saarayo, kooxda ayaa ka samri la’ degmada Xarardheere oo ay mudo 15 sano ah maamuleysay, taasoo si fudud gacanteeda uga baxday.

Ad
Previous articleWar la yaab leh oo kasoo kordhay gabadhii laga badbaadiyay dhul gariirka iyadoo ay ku dhaggan tahay xuddunta hooyadeed
Next articleRuushka oo Weerar ku qaaday Mareegaha Garoomada Diyaaradaha Germalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here