Home Wararka Somaliya Puntland Mucaaradka ee maamul goboleedka Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa war...

Mucaaradka ee maamul goboleedka Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa war cusub kasoo saaray Dagaalkii Dhawaan ka Dhacay Garowe

0

Musharixiinta mucaaradka ee maamul goboleedka Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan shaqaaqadii ugu dambeysay ee ka dhacday gudaha magaalada Garoowe.

Ugu horeyn xubnaha mucaaradka ayaa sheegay inay cambaareynayaan dagaalkii u dambeeyey ee todobaadkii hore ka dhacay caasimada oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

“Dalladu waxay ka xun tahay isla markaana cambaaraynaysaa falkii ka dhacay barxadda caasimada Garoowe 07/11/2023, kaas oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen xubnaha mucaaradka Puntland.

Sidoo kale mucaaradka ayaa dagaalkaas ku eedeeyay madaxweynaha Saciid Deni oo ay sheegeen inuu fidno ka abuurayo Puntland oo haatan wajahaysa xaalad hubanti la’aan ah.

“Cawaaqib xumadii ka dhalatay dhacdadaas waxaa leh madaxweynaha xilkiisa ku dhammaadka yahay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo ay farriin u direen ciidamada ammaanka oo ay ugu baaqeen in aysan ku milmin siyaasadaha is diidan ee maamulkaas, ayna ku ekaadaan howlaha amniga.

Intaas kadib midowga musharixiinta mucaaradka Puntland ayaa dalbaday in xal loo helo xiisadda ka taagan Puntland, waxayna ugu baaqeen waxgaradka inay doorkooda qaataan.

“Dalladu waxay ugu baaqeynaa dhaqanka, culimada, nabadoonada, cuqaasha iyo waxgaradka kale inay u istaagaan ka hortega fidnimada uu hurinaayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay” ayuu lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Puntland ayaa haatan wajahaysa xaalad cakiran oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maamulkaas oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo Deni.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Howlgalka Koonfurya Gobalka Mudug oo Dib u Bilowday iyo Dagaaalo Maantay Laga Cabsi Qabo
Next articleMudo Dheer Kadib Alshabaab ku sugnaa Galmudug oo la Weeraray iyo Cabaas Garoobshe oo Nolosha Lagu soo Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here