Home Wararka Maanta Caro ka dhalatay siyaasi Kenyaan ah oo gabar Soomaali ah “ku qasbay...

Caro ka dhalatay siyaasi Kenyaan ah oo gabar Soomaali ah “ku qasbay inay laabta galiso”

0

Muslimiinta Kenya ayaa ka falceliyay arrin baraha bulshada qabsatay kadib markii uu soo baxay muuqaalka siyaasi Kenyaan ah oo haweeney Muslimad ah ku cadaadinaya inay hab siiso.

Imaamka masjidka Jamia Mosque ee dalka Kenya, Sheekh Jamaaludiin Cismaan oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa cambaareeyay falkan wuxuuna sheegay in “ay sumcad-dil ku tahay haweenka, isla markaana aysan marnaba ahayn in lagu qasbo”

Warbaahinta iyo baraha bulshada Kenya ayuu si weyn hadal hayn uga dhaliyay muuqaalka laga duubay mid ka mid ah xildhibaannada Ismaamulka Nairobi Kennedy Ng’ondi oo ku cadaadinaya salaan iyo inuu isku duubo xilli ay xaflad dhalasho xafiiska ka socotay.

Ng’ondi oo ah afhayeenka baarlamaanka ismaamulka Nairobi ayaa la arkayaa isaga oo dhex wareegaya hoolka laabtana galinaya dumar iyo dad kale oo goobta kula sugan.

Waxaase markii dambe uu u soo dhaqaaqay sida muuqaalka laga arkayey dhanka gabadhan Soomaalida ah isagoo daneeyey inay u istaagto oo uu si fiican u laab galiyo hase yeeshee ay ka muuqato inay ka diiday balse uu si qasaba u doonayo inay u istaagto.

Waxaa kale oo la arkayey rag kale oo dhankeeda gadaal fadhiya oo iyaguna muujiyey codsi inay u kacdo masuulka oo ay si wacan u salaanto. Iyagoo kor u dhawaaqay, “Salimia watu, salimia watu!” oo ah “Dadka salaan, dadka salaan”

Gabadhan oo ku jirta xildhibaannada baarlamaanka Ismaamulka Nairobi ayaa la arkayey iyadoo si xishood leh madaxa hoos u foorarisay oo aan doonayn inay xitaa sare kacdo.

Aakhirka oo ay si dirqi ah u istaagtay waxaa ka muuqda sida aysan ugu faraxsanayn inuu gacmihiisa ku salaamo ama uu isku duubo.

Falcelinta ficilka

Markii muuqaalka uu ku baahay baraha bulshada, ayaa hoggaamiyeyaasha Muslimiinta waxay ku baaqeen in afhayeenka barlamaanka Ismaamulka Nairobi xafiiska laga eryo waxay falka ku qeexeen ‘faraxumayn’

Ururka Qareennada Muslimiinta ayaa ku baaqay in in Ng’ondi lagu soo oogo dacwad kufsi ah.

Qareen Axmednaasir Cabdullaahi oo ka hadlay falkan ayaa cambaareeyey isagoo xusay intani tahay ‘weerar gacan ka hadal ah’

“Tani waa gacan ka hadal, gef weyn oo lagu sameeyay qofka marwada ah. Aad baan ula yaabi doonaa haddii aan la door bidin eedeymaha dambiyada,” Qareen sare Axmednaasir Cabdullaahi ayaa bartiisa X ku soo qoray.

Senetarkii hore ee Ismaamulka Mandheera Billow Keerow ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida adag ugu hadlay falkan.

Isagoo la hadlay BBC-da ayuu falkan ku tilmaamaay “fal xadgudub ku ah xaquuqda gabadha, iyo qaynuunka wadanka, sidoo kalena ay foolxumo ku tahay in masuul xafiis dowladdeed maamulaa uu sidan u dhaqmo kaas oo uusan sharciga kenya oggolayn,”ayuu yir Keerow.

“Waxa aad halkan ku arkaysaan waa qof si fudud ugu xad-gudbi kara da’yarta, maxaa loogu oggolaaday arrintan qof madax ka ah hay’ad sida golaha deegaanka Nairobi.” Ayuu intaas raaciyey

Isagoo ka falcelinaya muuqaalka, ayaa aasaasaha hay’adda xuquuqda aadanaha ee Usikimywe Njeri wa Migwi wuxuu yiri, “Tani waa dhibaateyn. Waxay leedahay xudduud cad oo shaqsiyadeed oo ah inuu jebinayo. Way dhibsan tahay, ma rabto ballan-qaadka, wuuna sii galayaa oo u taabanayaa si aan habboonayn!”

“Tani waa dhaqan xumo, foolxumo, aan habboonayn oo karaahiyo ah. Waa inay dacweeysaa.”

Dhankeeda, Nusrat Maxameed oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanka ayaa tiri, “Xitaa haddii aysan Muslim ahayn, in lagu qasbo qof sidaas oo kale ah jir ahaan, oo si cad u diidan, waa wax xun, ixtiraam darro iyo dhibaateyn buuxda!”

Xuseen Cabdirazaaq, oo ah afhayeenka guud ee magaalada Mombassa ayaa yiri “Tani waa hagardaamo & ixtiraam darro, walalayaal caado ka dhiga in aad isu taagto xaaladahan oo kale, ha ka cabsanin in aad shaqada ku weydo, rizikku waa xagga Alle.

Waxay u muuqataa in dhacdadu si weyn looga hadal hayo baraha bulshada iyadoo siyaasiyiin, sharciyqaano iyo dad kale ay ka hadlayaan.

Guddoomiyaha barlamaanka Ismaamulka Nairobi ayaan wali ka hadlin falkan iyadoo sidoo kale maamulka ismaamulka caasimaddu aysan ka hadlin ficilkan gilgilay baraha bulshada ee dalka.

Ad
Previous articlePuntland oo Talaabo layaableh Ka Qaaday Xildhibaanada Federalka Ee puntland laga soo Doortay
Next articleWariye Xuseen Cabdille oo Shaaciyay Sababtii uu Sanbaloolshe U Xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here