Home Wararka Maanta Gaadiid loogu tala galay sugida Amniga Muqdisho iyo adeegga dadweynaha oo la...

Gaadiid loogu tala galay sugida Amniga Muqdisho iyo adeegga dadweynaha oo la diyaariyay (Sawirro)

0

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarisay qorshayaal lagu xoojinayo amniga caasimadda Muqdisho oo muddooyinkii dambe soo hagaagayay, waxaana caasimadda ka howlgalaya ciidamo hor leh oo ka qeyb qaadanaya xaqiijinta ammaanka.

Ciidamada booliiska ee qeybta ka ah sugida amniga Muqdisho ayaa loo diyaariyay gaadiid gaar ah ay adeegsanayaan, waxa ay sidoo kale dowladda diyaarisay gaadiid basas ah oo loogu tala galay in dadweynaha loogu adeego xilliyada waddooyinka xiran yihiin.

Taliyaha ciidanka booliiska Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa soo indha indheeyay fulinta qorshihii dib u habeynta gaadiidka ciidanka booliiska, si ay qeyb uga noqdaan howlaha adeega dadweynaha iyo sareynta sharciga ee ciidanku ummadda u hayo.

Taliyaha ayaana mid mid u dul tagay gaadiidka ciidanka ee dib u habeenta lagu sameeyay, kuwaasi oo loo diyaarinayo in ay qeyb weyn ka qaataan adeegga dadweynaha iyo dib u xoreynta Dalka.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Doorashadii Dalka Turkiga iyo Halka Ayey Kala Marayaan Recep Tayyip Erdogan Iyo Kemal Kilicdaroglu?
Next articleCiidmadii lagu Wareejiyay Amaanka Muqdisho oo Markii Ugu Horaysay Qarax lala Eegtay Iyo Askar ka Geeriyootay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here