Home Wararka Maanta Dowlada puntland oo markale Warsaxafadeed Kasoo Saartay Dagaalka Maalinti Sadexaad Kasocota Boosaaso

Dowlada puntland oo markale Warsaxafadeed Kasoo Saartay Dagaalka Maalinti Sadexaad Kasocota Boosaaso

0

Puntland ayaa Soo Saartay Warsaxafadeed Sidaan Uqornaa:

 

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa mar wal ba ka go’an illaalinta dowladnimada ku dhisan sareynta sharciga. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in Agaasimihii hore ee PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso, asagoo si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo.

Haddaba, si loo dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF, Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa in ay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, Dowladduna waxay qaadaysaa wixii tillaabooyin lagu fududeynayo dadaalada socda.

Ad
Previous articleHowlgalka Africom oo Sheegay inay PSf yihiin Ciidamada Puntland ugu Tayada Badan
Next articlePSF oo ku Hanjabtay inay Garowe weerari Doonto Wacadna Ku maray inaysan Xabada Joojin Doonin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here