Home Wararka Maanta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo hambalyo u Dirtay Shacabka Soomaaliyeed...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo hambalyo u Dirtay Shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah ee……

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saartay waxay ugu hambalyeysay Shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah ee ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“HSJ waxa ay si gaar ugu bogaadinaysaa Madaxwaynaha JFS Dr. Xassan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu geliyay ku biiiritaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hey’adda.

Qoraal ayaa intaas ku sii daray, “Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanaysaa in sida ugu wanaagsan umadda Soomaaliyeed uga faaiidaysato isku Socodka xorta oo ay ku dhisantahay mabaadii’da iskaashiga Dallada.”

Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.

Sidoo kale waxa uu ku ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Heshiiskii Xamaas iyo Israa’iil oo dhaqan galay
Next articleMaxay yihiin faa’iidooyinka Soomaaliya ugu jira ka qeyb noqoshada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrik oo maantay Ku biirtay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here