Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Soo Qabtay Hoobiyaal Maantay Lagu Garaacay Garoonka Muqdisho iyo...

Ciidamada Dowlada oo Soo Qabtay Hoobiyaal Maantay Lagu Garaacay Garoonka Muqdisho iyo Gurigii laga Soo Tuuray oo lala wareegay(Sawiro)

0

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Goordhow Qabtay Shir Jaaraaid ayaa Sidaan Yiri;

Ciidanka Amaanka gaar ahaan kuwa Howlgalka Ciiltire oo uu ugu Horeeyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran iyo Ciidanka Polizia Militare ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa waday Howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka Caasimada iyo Nawaaxigeeda.

iyada oo la sugayo Amniga iyo badqabka Ummadda ee Maalmaha Ciida iyo Asuuca Xuriyadda, maanta Deegaanka Garasbaaley gaar ahaan Waaxda 2-aad ee Fooriloow, ayaa abaare 11:30 AM, waxaa garoonka Caalamiga ah ku soo dhacay dhowr xabo oo hoobiye ah, Ciidanka oo feejignaa ayaa ka howlgalay aagii la rumeysnaa in laga soo tuuray.

waxeyna gacanta ku soo dhigeen dhowr xabo (Baalooto) oo hoobiye ah, Mobayladii laga qarxinayay oo wata Fiilooyinkooda iyo Gurigii laga soo ridayay.

Dowlada Soomaaliya ayaa la wareegtay gurigii laga soo riday ilaa inta la helayo Khawaarijtii shacabka dhibaataynaysay. Waxaana hada ku sugay Ciidanka Amaanka. Waxaana socoto baaris arrinta la xariirta

Ad
Previous articleXasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York kula kulmay Mudane António Guterres una Gudbiyay arrin caqabad ku noqotay dagaalka kooxda Al-Shabaab
Next articleDagaal Qaraar oo Laba Beel oo Walaalo ah Ku Dhexmaray Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here