Home Wararka Maanta Imaaraadka Carabta oo duqeyntii ugu horreysay ka fuliyay Galmudug kuna Biiray Dagaalka...

Imaaraadka Carabta oo duqeyntii ugu horreysay ka fuliyay Galmudug kuna Biiray Dagaalka Lagula Jiro Alshabaab

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo Jmicihii shalay ka dhacday deegaano dhaca xadka u dhexeeya gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe oo ka kala tirsan dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle.

Duqeyntan oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Isu Tega Imaaraadka Carabta, waana markii ugu horreysay, taas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Deegaanada la duqeeyaya waxaa ka mid ah Saban-sabley oo u dhaxeeya deegaanka Cali Axmed iyo degaanka Bud-bud, halkaas oo mararka qaar lagu arko Al-Shabaab.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay arkayeen diyaarado aan weli lagu arag Soomaaliya, kuwaas oo dul heehaabaya aagga degmada Galcad iyo deegaano kale oo dhaca xadka u dhexeeya labada gobol ee Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Diyaaradahan ayaa saacado badan duqeynayay goobo lagu tuhmayo inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana leh Imaaraadka Carabta.

Tallaabada uu qaaday Imaaraadka Carabta ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee ku aadan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana horay duqeymahan oo kale looga bartay Mareykanka iyo sidoo kale Turkiga oo qayb ka ahaa wajiga koowaad ee howlgallada socda.

Imaaraadka wuxuu markii hore Soomaaliya ka caawinayay dhinaca howlgallada milatariga, gaar ahaan tababarida ciidamada iyo qalab siintooda, balse hadda wuxuu billaabay duqeyn.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo sidoo kale duqeyn tan lamid ah ay ka dhacday aagga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegay dowladdu.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ad
Previous articleShiikh Shariif oo Muqdisho ka Bilaabay Shirar Lana Kulmay Baarlamaanka Soomaaliya(Sawiro)
Next articleGoob uu shir uga socday madaxda Al-Shabaab oo duqeyn culus lala beegsaday iyo Horjooge Sare oo Lagu Dhaawacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here