Home Wararka Somaliya Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya ee ka qeyb galaya dhageysiga dacwada...

Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya ee ka qeyb galaya dhageysiga dacwada badda oo Muqdisho ka baxay maanta

0
Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya  kuwaasoo oo ka qeyb galaya dhageysiga dacwada badda ee Somalia iyo Kenya ee taalla Maxkamada ICJ ayaa saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa ku sii jeeda xarunta Maxkamada ICJ oo ku taalla magaalada Hague ee dalka Netherlands

Waxaa hoggaaminaya wafdigan Ra”iisal Wasaare Ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar waxaana ku wehliya xubno kale oo katirsan Gollaha Wasiirada iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Fadhiga Dacwadda ayaa ka qabsoomaya hoolka The Peace Palace ee magaalada Hague waxaana ka qayb galaya xubno ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Ra”iisal Wasaare Ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar oo shir jaraaid ku qabtay garoonka Aadan cadde ayaa sheegay in Somalia ay si weyn ugu diyaar garowday dhegeysiga dacwada badda, ayna rajeynayaan iney guul ku soo dhamaato.

Ad
Previous articleWafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ku Wajahan Maxkamada ICJ
Next articleXubno ka tirsan Kooxda Shabaab oo isku soo dhiibay Dowlada Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here