Home Wararka Somaliya Galmudug Qoor Qoor oo Shir ku Qabtay Magaalada Xarardheere oo Wali uu ku...

Qoor Qoor oo Shir ku Qabtay Magaalada Xarardheere oo Wali uu ku Suganyahay

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo maalintii shanaad ku sugan Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa shir gudoomiyay Kulankan oo looga hadlayay adkaynta & xoojinta Amniga Degmada Xarardheere iyo xoraynta Deegaanada kale ee khawaarijtu ka joogaan Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Gaashaandhigga JFS C/qaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Maxamed Tahliil Biixi, Maamulka Degmada Xarardheere iyo Saraakiisha Ciidamada qeybahooda kala duwan

Madaxweynaha Galmudug QoorQoor ayaa xog dhameystiran ka dhageystay Saraakiisha Amniga Degmada iyo qorshayaasha ka socda ee ku aadan dagaalka Khawaarijta Al Shabaab looga sifaynaayo meelaha ay u firxadeen ee dhulka howdka iyo bacadka.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo isaga soo baxay Degmo Ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan Alshabaab laga Saaray
Next articleAlshabaab oo Maantay Xoog looga Saaray Deegaanka Janaay Cabdalla

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here