Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Maamul Goboleed kale oo Wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab Uu ka Bilowday...

Maamul Goboleed kale oo Wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab Uu ka Bilowday iyo Deegaano badan oo la Qabtay

0

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ka xoreeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Baay ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Deegaanada ay ciidamada huwanta ka saareen kooxda Al-Shabaab ayaa kala ah deegaanada Adeegow, Dhaydhayka, Tabarow, Walak iyo Arbasale oo 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada huwanta ee is-garabsanaya ay weli xubnaha kooxda ee laga saaray deegaanadaasi ay kusii baacsanayaan dhulka howdka ah.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwaa degaanka ayaa degaanno badan oo katirsan gobolada dalka ka wada howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo howl-gallada ay markale si dardar leh uga socdaan qeybo badan oo dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa guulo horleh ka sheegatay dib u bilaabashada howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo sheegtay in saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

“Waxay ciidamada ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan deegaanka Ceel Axmed, deegaanka Ceel Saban Sablaale, deegaanka Ceel Cali Xasan, deegaanadaasi waa deegaano ceel biyoodyo leh, dhul daaqsimeed leh oo cadowga ay ka talinayeen,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saaka ciidamada Xoogga dalka ay gudaha u galeen deegaanka Budbud oo ay muddo ka talineysay Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in ciidamada marka ay la wareegeen magaaladaasi ay soo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Si kastaba, Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howl-gallada ay ciidamada huwanta ka wadaan qeybo kamid ah dalka, iyada oo si hordhac ah u billowday wejiga labaad ee dagaalka, oo la filayo inay qeyb ka noqdaan ciidan ka socda dalalka deriska.

Ad
Previous articleQayb ka Mid ah Alshabaab ka Dagaalamaaya Galmudug oo Mudo 7 beri ah loo Qabtay
Next articlesiyaasi Axmed Atiiq iyo walaalkii oo loo toogtay ayagoo TVga toos uga Hadlaaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here