Home Wararka Somaliya Mudug: Maleeshiyo ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland oo la kala qaaday

Mudug: Maleeshiyo ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland oo la kala qaaday

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cumar Maxamed Diiriye Guureeye, isla markaana ay qeyb ka ahaayeen Maamulka Gobolka Mudug kana Degmada Gaalkacyo, Odoyaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa gaaray deegaanada Saax-wanaag iyo Laanwaalay.

Degaannad ay mas’uuliyiintaan gaaree ayaa dhawaan waxaa uu dagaal ku dhexmaray dad Xoolo dhaqato ah oo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland, waaana ay ku guulaysteen inay soo qaadaan Ciidamadii xoola Dhaqatada kasoo jeeday dhinaca Galmudug.

Kala qaadista Ciidamada ayaa ka dambaysay kadib markii shalay kulan uu dhexmaray Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntlanad isla markaana xal looga gaaray xiisadda ka taagan Deegaanada Hoos yimaada Saaxqurun.

Odoyaasha degaanka ayaa soo dhaweeyey kala qaadista Ciidamada iyo Waan waanta ay wadaan Maamulada Galmudug iyo Puntlanad, waxayna balanqaaden dhaqan galinta Is afgaradka labada Dhinac.

Ad
Previous articleXidlhibaan C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo dhaliilay Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleGaalkacyo: Dilka Ganacsade Ahmed Tahliil Rag ku eedeysan oo la qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here