canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Dhageyso Balamihii Madaxweynaha Galmudug Cabdi kariin oo Sanad Jirsaday Doorashadisa Maanta oo kale iyo Warbixin Laga Sameeyay,, | Mudug 24 online
radiomudug24 xayisiin mudug24 source

Dhageyso Balamihii Madaxweynaha Galmudug Cabdi kariin oo Sanad Jirsaday Doorashadisa Maanta oo kale iyo Warbixin Laga Sameeyay,,

Maanta oo kale sanadkii hore ayaa la doortay Madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed, sanad kadib shacabka Galmudug kuma faraxsana natiijada iyo waxa la qabtay, wax Qabad la’aan Baahsan ayaa Muuqata, dib u dhis fiican ma soco, xarummahii  dowladda ma dhisna, Ahlu sunna wada hadal lalama gelin, Burcad Badeed, Alshabaab, dagaallo sokeeye  iyo Liyuu Booliis waa dhibaato kale–Maxuuse Madaxweyne Cabdikariin Guleed Balan Qaaday?!

Xukuumado in la dhiso waa arrin wanaagsan, laakin waxaa ka muhiimsan in xukuumadahaasi ay la shaqeeyaan, shacabka ay u adeegaan, la xisaabtan iyo hufnaana ay jirto.

Nabadda:

Cadaado oo ah magaalada ay hadda ku shaqeyso dowladda Galmudug, waxaa jooga Ciidanka Galmudug iyo Ciidamada Xoogga Dalka kuwaas oo halkaas gaaray 11 maalmood kadib doorashadii Guuleed, waxaa ay dad gobollada Mudug iyo Galgaduud sugayeen in maamulkan cusub ay uga gudbaan dhibaato halkaas ka jirtay in ka badan 25 sano.

Marka laga hadlayo nabadgalyada gobolka waxaa muhiim ah dhow Shardi:

Ahlu Sunna:  Maamulka Ahlu Sunna waxba kama badalin mowqifkooda doorashada Guuleed, weli waxaa ay heystaan magaalooyin Istaraatiiji ah oo ay ku jirto caasimadda maamulka ee Dhuusamareeb, waxaa ay horay u sii wadatay maamulkeeda gobollada dhexe, doorashadii Guuleed kadib waxaa ay Cusbonaysiyeen Maamulkoodda si ay ugu adkeeystaan mowqifkooda.

Waxaa xusid mudan in August 27, 2015 la sheegay heshiis ay gaareen Maamulka Galmudug iyo Alhu sunna, Waxyaabaha ku xusnaa ayaa waxaa ka mid ah ka qeybgalinta Ahlu-sunna maamulka Galmudug, sida xildhibaanada, wasiirada, wasiiro ku xigeenada, agaasimayaasha iyo maamulada gobalada iyo degmooyinka.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo gudoomiyaha Seddaxda Gole ee Ahlu-sunna Sheekh Ibraahim Guureeye ayaa heshiiskaan saxiixay.

Al-shabaab:

Waxaa jirta in Alshabaab ay joogaan deegaanno ka tirsan gobollada hoos taga maamulka Guuleed, waxaa dhacay dagaallo labada dhinac ah oo meelo badan ka dhacay.

March 25, 2016: Maamulka Galmudug ayaa soo bandhigay maxaabiis ilaa 22 ah oo ay sheegeen in ay ku qabteen dagaal dhexmaray iyaga iyo Al-shabaab, tilaabadan ayaa timid kadib dagaalo dhexmaray labada dhinac.

Puntland:

Maamulka Puntland oo daris la ah Galmudug, xiriirkooda bilihii hore aad ayuu u xumaa, November 28, 2015: dagaal weyn oo khasaare badan geystay ayaa labada dhinac ku dhexmaray Galkacyo

Dagaalladaas oo muddo socday waxaa la soo afjarat kadib dadaallo ay sameeyeen dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobleedyada dalka.

December 06, 2015, Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa shaaciyay inay si rasmi uga dhaqan-gashay degmada Gaalkacyo xabad-joojinta, ciidamadii is-hor-fadhiyayna la kala qaaday.

 

mudug24

Liyuu Booliis:

Dhibaatada dadka gobolkaas ay ku hayaan Lyuu Booliiska Itoobiya waa mid aan la qiysaasi Karin, inkastoo la sheegay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen labada dhinac hadana dhibaatada iyo xasuuqa Itoobiyaanka ay kula kaceen Galmudug waa mid kale oo aan la iloobi Karin.

Guuleed waxyaabaha uu qabtay waxaa ka mid ah safarro uu ku tagay Adis Ababa iyo Jigjiga six al looga gaaro dhibaatada ay Booliiska Itoobiyaanka ku hayaan dhulka Soomaalida, waxaa xiligan muuqata deganaashiyo.

Dagaal Beeleed:

Waxaa Galmudug ka dhaco dagaallo sokeeye mar walbo, bishii June ee tagtay in ka badan 30 qof ayaa ku dhimatay halka 50 kale ku dhaawacantay, dagaalkaas waa mid ka mid ah daggaalo soo noq-noqday, dagaallada waxaa ay u dhacaan sababo badan, Biyo, Baad, Xoolo, Dhul iyo arrimo kale ayaa ka mid ah sababaha.

Dib u dhiska Galmidug:

Mudane Cabdikarim Guuleed  waxaa uu bilaabay dhismaha waddooyin, garoomo iyo Dekadda, laakin shacab la hadlay Goobjoog FM waxaa ay sheegayaan in arrinkaas aanay waxba ka suuro gelin.

Maamulka Galmudug waxaa uu ku jiraa maamullada dhaqaale ahaan ugu liita maamul goboleedyada dalka ka jira, si arrinkaas looga gudbo, waa in Guuleed iyo maamulkiisa la yimaadaan istaraatiijiyad cad oo dadka ku farxi karaan.

Halkan ka akhriso aragtida shacabka Galmudug

Beesha Caalamka:

Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka Bariga Afrika ee IGAD, AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayaa si Wadajir ah u soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug ee ka dhacday degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, iyagoo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay u diray hamblayo.

Taageerada beesha caalamka iyo xitaa dadka Galmudug ayaa loo baahan yahay si deegaankaas loo hormariyo, waxaa muuqata in dadka aan ku dhaqneen ama aan deganeen Galmudug balse u dhashay aan laga gadin sidii ay Maalgeshi ugu sameysan lahaayeen gobolladaas.

Ugu Dambeyntii, sanadkii la soo dhaafay wax badan lagama qaban Galmudug, waxaa ay dadka sugayaan in uu madaxweyne Cabdikarim Guuleed fuliyo ballamihii uu qaaday.

HALKAANI KA DHAGEEYSO BALAMIHII GULEED.

riix

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Dhageyso Muuse Suudi Yalaxow oo Ciil dartii yiri Anagana Garoomada waanoola diidaa Puntland waa dhisanee…
- May 1, 2017
Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah xildhibaanada  Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ...
Dhageyso Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo Sheegay Xiliga uu dib u furmayo wada Hadalka Ahlu-suna…
- May 1, 2017
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa sheegay in ay dib ...
Musharixiinta kala ah Cabdikadir Shirwac iyo Axmed Ducaale Xaaf oo wada kulmay…
- Apr 30, 2017
Wararka aan ka heleeno Xaruunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in kulan uu dhexmaray musharixiinta kala ...
Sawiro Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Wafdi kale oo Cadaado soo gaaray,,,
- Apr 30, 2017
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta dib ugu soo ...
Dhageyso Xidlhibaanada Galmudug qaarkood oo cadeeyay cida ay u dooranayaan Madaxweynaha Cusub…
- Apr 30, 2017
Ayadoo haatan magaalada cadaado laga dareemayo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan qaban ...
Dhageyso Hadalka Madaxweynaha Puntland uu ka jeediyay Dhagax dhiga Dhismaha Garoonka Cusub ee Gaalkacyo,,,
- Apr 30, 2017
Madaxweynaha Puntland ayaa Gaalkacyo ka jeediyay hadal dheer kadib markii uu dhagax dhigay Garoon ...
Sawiro Madaxweynaha Puntland oo Garoon Cusub ka dhagax dhigay Magaalada Gaalkacyo… Akhriso Xog badan
- Apr 30, 2017
Wararka aan ka heleeno Safarka Madaxweynaha puntland ayaa sheegaya in uu dhagax dhigay Garoon ...
Dhageyso Hogaamiyaha Ahlu-suna oo dowlada ku eedeeyay in ay isku direyso Shacabka Gobolada Dhexe,,,
- Apr 30, 2017
Madaxweynaha maamulka Ahlusunna ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir oo la hadlay warbaahinta ayaa ...
Dhageyso Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay Wada hadalka Fashilmay ee Galmudug iyo Ahlu-suna isagoo ku baaqay,,,
- Apr 30, 2017
Xildhibaan  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ah Golaha senator-ka Soomaaliya ayaa Fariin ...
Dhageyso Taliyaha Boliska Gobolka Mudug oo sharaxay Raga lasoo qabtay iyo Falka Kufsiga ay geesteen…
- Apr 30, 2017
  Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu soo bandhigay rag kufsaday gabar yar kuwaasi oo dabagal dheer ...
Akhriso Galmudug oo war-saxaafadeed Kasoo saartay Go.anka Dowlada ee Wada Hadalka Ahlu-suna…
- Apr 30, 2017
Galmudug ayaa ka hadashey go.anka Dowlada Somaliya kaga hada hadashey Dowlada somaliya iyo wada ...
Dhageyso Shir Jaraa.id Sababta dib loogu dhigay Doorashada Madaxweynaha Galmudug Mudo 3 Cisho ah…
- Apr 29, 2017
Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa dib loo dhigay , waxaana ay dhaceysa Saddexda Bisha soo ...
Deg Deg Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dib u dhacday ilaa bisha…
- Apr 29, 2017
Magaalada Cadaado gudiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa shaaciyay in ay doorashada Dib u dhacday, Bisha ...
Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisay Gantaal Kale goor dhow Ruusha iyo Shiina oo diiday Dagaal lagu qaado…
- Apr 29, 2017
  Kuuriyada waqooyi ayaa gantay gantaal kale oo ah nooca Ballistica , Saacado uun kaddib ...
Dhageyso Musharax Axmed Ducalle Geelle Xaaf oo Duco iyo Balanqaad isku daray Markuu Cadaado soo gaaray…
- Apr 29, 2017
Siyaasi Axmed Ducaale Xaaf oo ka mid ah Musharaxiinta ugu Cad Cad ee Maamulka ...

Facebook/Twitter

-----------------------------------------------------------------

ad


%d bloggers like this: