Home Wararka Maanta Deg Deg: Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Deg Deg: Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goor how ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho e caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, kaas oo lala eegtay ciidamo ku socdaalayey wadadaasi sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sidoo kale ciidamo ka tirsanb kuwa Booliiska ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo haatan wada baaritaano, islamarkaana goobta uu qaraxu ka dhacay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay soo gaartay waxyeelada oo u badan shacab marayey wadada dhinaceeda.

Ad
Previous articleGantaal Soo Qaldamay oo Ku dhacay Dalka Pakistaan khasaaro Dhimashana Gaystay
Next articleKoonfurgalbeed oo Shaaciyay Xiliga aysoo Gabagabaynayso Doorashada Shaacisayna Kuraasti Udanbaysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here