Home Wararka Somaliya Galmudug Beelo Dhawaan Dagaal Qaraar Ku dhexmaray Galmudug oo Heshiis Gaaray(Sawiro)

Beelo Dhawaan Dagaal Qaraar Ku dhexmaray Galmudug oo Heshiis Gaaray(Sawiro)

0

Deegaanka Balihowd ee hoos taga D/balanbale waxaa ka dhacay kulan dib u heshiisiin Beelo walaala ah, sidoo kale lagu kala mag iyo xaal qaadanayey fal dil ah oo dhawaan ka dhacay halkaasi.

Madasha waxa goob joog ahaa Gudoomiyaasha Degmooyinka Guriceel iyo Xeraale Faarax Cabdi Mucalim iyo Bashiir Daahir Yuusuf, Taliyaha Qaybta 2aad ee Booliiska Galgaduud Gaashaanle C/casiis Ibraahim Waranle, Taliyaasha Nabad sugida iyo Booliiska Caasimada Dhusamareeb Muumin Ciise Max,ud iyo Najiib Xersi Dhoore, Taliyaha Booliiska D/guriceel Cismaan Cali Hudeey, Taliyaha Booliiska D/Xeraale Axmed Cabdikariin, Odayaasha Dhaqanka labada Beelood, Saraakiil Ciidan, Culima owdiin iyo Dhalinyaro, Beesha Dil geysatay waxa ay Gogosha Nabadeynta ku bixiyeen Lacag xaal ah, Rafiso, duug iyo karfin, Qori iyo sidoo kale Gabar godob reeb ah.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Gubay Gaadiid Xamuul ah Dadna Shacab ahna ku Laayay Hiiraan
Next articleAlshabaab oo Hiiraan ku gubay 8 gaari Kuna dilay in ka badan 20 ruux

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here