Home Wararka Somaliya Dhageyso: Dowlada Somaliya oo ka hadashey Saadaq Joon oo lagu arkay Dagaalada...

Dhageyso: Dowlada Somaliya oo ka hadashey Saadaq Joon oo lagu arkay Dagaalada Galmudug ka socda

0

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlay duulaanka ka dhanka ah goobaha ay uga sugan yihiin Al Shabaab gobolka Mudug.

Shirka waxa uu ka dhacay Deegaanka camaara oo dhawaan ciidanku la wareegay iyadoo saraakiishu ay isku dhaarsadeen in duulaanka la kordhiyo.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, Sanatar Cabdi Xasan Cawaale (Qeyb-diid iyo saraakiisha ciidanka hogaamineysa.

Taliye Biixi oo BBC SOMALI la hadlay ayaa sheegay in Saadaq Joon oo gulufka dagaal ee Galmudug qeyb ka yahay uu aag dhan loo xilsaaray islamarkaana khibradiisa ciidanimo laga faa’iideysanayo.

Su’aal la weydiiyey Taliye Biixi oo aheyd maadaama hore darajooyinkii ciidanka laga qaaday Saadaq Joon ma ciidanka Galmudug isagoo ah ayuu dagaalka kaga qeyb galayaa mise si kale isgaoo jawaab la fileyn uu bixiyey taliyaha.

Ad
Previous articleShabaab oo war kasoo saaray Dagaalada ka Socda Galmudug iyo War Dowlada shaacisay
Next articleGalmudug oo ka hadashey guulo laga gaaray Dagaaladii ugu Danbeeyay ee dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here