Home Wararka Maanta Askarigii haraatiyay dadka tukanaya oo talaabo laga qaaday iyo dad masuuliyiin ah...

Askarigii haraatiyay dadka tukanaya oo talaabo laga qaaday iyo dad masuuliyiin ah oo ka hadlay

0

Waxaa baraha bulshada aad ugu baahay ilaa iyo shalay muuqaalka askari haraatinaya dad salaad ku jira goob waddo ah, dad badan ayaana ka carooday arrinkaas.

Dhacdadaas oo shalay oo jimce ahayd ka dhacday Delhi, ayaa dad badan oo ka xumaaday waxay banaanbax ka dhigeen xarun tareen oo u dhaw goobta.

Wariye ka tirsan BBC da ayaa sheegay in dibad baxyadii ay haatan is taageen kadib markii booliska Delhi ay isla markiiba shaqada laga joojiyay askarigii falkaas ka dambeeyay.

Shaqo ka joojin warka la xiriira ayaa waxa u xaqiijiyay BBC da booliska magaalada Delhi oo la hadlay wariye Dilanwaz Pasha oo ka tirsan wariyaasha BBC da ee dalka Hindiya. Sidoo kale waxaa lala wadaagay wariyaha in qaybta booliska ee magaalada ay su’aalo waydiinayaan askarigii sameeyay falka.

“Muuqaalku waa uu shaacay. Aad ayuu ugu baahay baraha bulshada. Waxaa talaabo laga qaaday askarigii lagu arkay muuqaalka. Waxaana lalaalay shaqadii askariga masuulka ka ahaa.” Sidaas waxaa wakaaladda wararka ee ANI u sheegay madaxa qaybta booliska ee Wuqooyiga Delhi Manoj Kumar.

“Xaalku hadda waa uu dagan yahay. Waxaan xiriir la sameynay dadka deegaanka ee fariintooda na soo gaarsiiyay waxaanan u sheegnay in ay dhawraan nidaamka iyo kala dambeynta xaafadda. Intoodii badneyda goobta waa ay isaga tageen. Si loo xaliyana isu socodkii gaadiidka ee maasha waa la hakiyay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Muuqaalkaan oo dunida oo dhan ku baahay ayaa laga dhex arki karaa askariga booliska ah oo six un ula dhaqmaya dad sujuudsan oo ku jira salaadda Jimcaha goob wado ah.

Askariga ayaa la arkayaa isaga oo qof sujuudsan gadaal uga dhufanaya haraati, qofkii ayaana si halhaleel ah u kacaya ugana baxaya salaadda.

Hadana qof kale oo ku jiray safkaas kii ka horeeyay ayuu u imaanayaa, sidii si la mid ah ayuu gadaal haraati dhufanayaa. Intaas ka dib ayaa loo jeedi dayaa dad isku dayaya in ay la hadlaan askariga.

Dadka ayaa uga doodaya arrintaan baraha bulshada iyaga oo dalbanayay in talaabo laga qaado.

Mid ka mid ah dadkaas oo lagu magacaabo Rajya Sabha ayaa ku soo daabacay bartiisa X, “Askariga Delhi ee haraatiniya qof salaad ku jira waxay ila tahay in gabi ahaanba uusan wax ka aqoon xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah. Nacayb nuucee ah ayaa ku jira oo buux dhaafiyay qalbiga askarigaan. Waxaan ka codsaneynaa qayb booliska ee Delhi in ay kiis ku furto askariga ayna shaqada ka ceyriso.”

Hugaamiyaha congress ka ee dalkaas Supriya Srinet oo arrintaan adib hadasay ayaa bogeeda X, ku qortay: “Hal ku dhigga booliska Delhi waa ‘Nabad, adeeg iyo cadaalad’ ; si daacadnimo ah ayyna uga shaqeynayaan”.

Ad
Previous articleMareykanka iyo Xuutiyiinta oo isku fara saaray Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed
Next articleItoobiya oo Ku faantay inay Amniga Soomaaliya intabadan Gacanta Ku hayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here