Home Wararka Maanta Nin si arcan Dara ah u dilay Wiil uu adeer uyahay oo...

Nin si arcan Dara ah u dilay Wiil uu adeer uyahay oo Muqdisho lagu Qabtay

0

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa booliska oo howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu gowracay wiil uu adeer u yahay, dhacdadaas oo ka dhacday degmada Xamarjajab.

Eedeysanaha oo hadda ku jira gacanta booliska Soomaaliya ayaa loo haystaa inuu gelinkii ee Axaddii uu degmada Xamarjajab ku gowracay wiilka oo siddeed sano jir ahaa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska ee qaybta gobolka Banaadir.

“Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada xmar-Jajab ayaa qabtay nin gowracay Wiil  uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray taliska ciidamada booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale eedeysanaha oo loo soo bandhigay warbaahinta iyo shacabka Soomaaliya ayaa booliska waxa uu sheegay in haatan ay ku hataan baaritaano dheeraad ah

“Wiilka ayaa da ahaan jiray 8 sanno, Eedeysanaha falka geystay ayaana hada ku jira gacanta Ciidanka Booliiska, waxaana socda baaritaan” ayaa lasii raaciyay bayaanka.

Ugu dambeyn talisku waxa uu sheegay in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn doono maxkamad, si cadaaladda loo horgeeyo, loogana qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay booliska.

Falkan argagaxa leh ayaa xanuun ku reebay ehellada ilmaha yar iyo dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Ad
Previous articleShir looga Hadlaayay Qaabkii Looga Hortahi lahaa Xadgudubka Itoobiya oo Muqdisho lagu Qabtay
Next articleMaleshiyaad hubaysan oo Xoog kula Wareegay Degmada Matabaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here