Home Wararka Maanta Kenya oo dib u dhigtay dib u furista xadka Soomaaliya sababo la...

Kenya oo dib u dhigtay dib u furista xadka Soomaaliya sababo la xiriira “mowjado weerarro ah”

0

Kenya ayaa dib u dhigi doonta dib u furista xadka ay la wadaagto Soomaaliya, sababo la xiriira “mowjado weeraro ah” oo ay ku eedeysay Al-Shabaab, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki Arbacadii.

Bishii May, waxay labada dowladood ku heshiiyeen in dib loo furo muddo 90 maalmood gudahood ah dhowr xaruumood oo xudduuda ah oo ay ku jiraan Mandheera, Liboi, iyo Kiunga, kuwaas oo xirnaa tan iyo 2011 markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay Koonfurta Soomaaliya si ay gacan uga geystaan la dagaalanka Al Shabaab.

In ka badan 10 qof ayaa lagu dilay xadka ay wadaagaan labada dal bishii lasoo dhaafay, taasoo qeyb ka ah sida ay dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ay sheegeen inay socdaan dadaallo ay Al-Shabaab ku dooneyso inay Kenya ciidamadeeda ugala baxdo howlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

“Dowladdu waxay dib u dhigi doontaa qorshaha gabagabada ah ee dib loogu furayo xudduudaha Kenya iyo Soomaaliya si wax looga qabtoo qabto mowjadaha weerarrada argagixisanimo iyo dambiyada xudduudaha” ayuu Kindiki kusoo qoray Twitter-ka.

Ad
Previous articleKa bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo wajigii kowaad la soo gabagabeyay
Next articleShirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maantay looga Hadlay Arimo Muhiim ah(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here