Home Wararka Maanta Shil ka dhacay wadada Tareenka ee isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti oo...

Shil ka dhacay wadada Tareenka ee isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti oo ay dad ku dhinteen

0

Shil tareen oo ka dhacay deegaanka Gaad ee degmada Shiniile ee Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ayaa illaa inta la ogyahay waxaa ku naf waayey ugu yaraan 5 qof halka 24 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Baabuur siday dad rakaab ah ayaa waxaa jiiray tareen ka yimid xagga Jabuuti.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay isku dhaca tareenka iyo gaadhiga oo ahaa nooca ay sameyso shirkadda Izuzu kaasi oo jaad iyo dadba siday una sii jeeday deegaanka Xaarey ee degmada Shiniile.

Dadka dhaawaca ah oo hadda lagu baxnaaninayo Cusbitaalka darajada koowaad ee magaalada Shiniile ayaa u badan dhaawac halis ah iyadoo laga cabsi qabo in tani sii kordhiso tirada dhimashada shilku sababay.Waxaa maanta istaagay isku socodki khaadka tareenka ee Jabuuti iyo Itoobiya isku xirayay lamana oga waqtiga u dhib u bilaaban doono.

Ad
Previous articleMuuse Biixi oo Sheegay inta Soomaalind laga Aqoonsanaayo aysan Xamar Dagi Doonin
Next articleWAR DEG DEG AH: Cali Jayte oo Ku Dhawaaqay inay Ka Go,een Hirshabeele Maamul Cusubna Ku Dhawaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here