Home wararka Dalka Dhageyso Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo Xalay Gurigiisa...

Dhageyso Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo Xalay Gurigiisa la Weeraray”

0

Nin hubeysan oo la sheegay in uu ka Tirsanaa ilaalada Beer uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde – ku xannaaneysto Libaaxyada, ayaa Maqribnimadii Xalay xilligii Afurka weeraray Guriga uu Wasiir Waran-cadde ka daggan yahay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Ilaalada Wasiirka iyo ninka hubeysan, ayaa Rasaas culus is-dhaafsaday, taasoo Soctay illaa xilligii cishaha ee Xalay waxaana ciidanka booliiska oo goobta gaaray ay sheegeen inaysan rasaastaasi sababin wax khasaare nafeed ah.

Ruuxan weeraray guriga Wasiirka, ayaa la sheegay inay xigto ahaayeen wasiirka, Waxaana Weerarkiisan uu salka ku hayay Khliaaf u dhexeeyay Wasiir Waran-cadde iyo ninkan ilaalada beertiisa ka mid ahaa.

Saraakiisha ciidanka booliska Somaliland ayaa sheegay in ninka hubeysan ee weeraray guriga Wasiirka uu goobta ka baxsaday, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha – uusan weli ka hadlin sababta keentay in la weeraro gurigiisa.

Halkan Hoose ka Dhageyso

riix

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here