Home Wararka Maanta Isbaheys siyaasadeed oo looga hortagayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho looga Dhawaaqay

Isbaheys siyaasadeed oo looga hortagayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho looga Dhawaaqay

0

Kaddib kulan ay xalay Muqdisho ku yeesheen Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daaha ka qaaday isbaheys siyaasadeed oo looga hortagayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wadahadalada labada Madaxweyne oo muddo soo socday ayaa qorshihiisu ahaa in la ballaariyo isbahaysiga laguna soo qaciyo siyaasiyiinta kale ee ka aragtida duwan dowladda.

Warar aan helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif uu u bandhigay Xasan Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur siidi ay isbaheysiga qayb uga noqon laahaayeen. Ilo ku dhow dhow labada nin ayaa inoo xaqiijiyey in ay ka gaabsadeen isbaheysiga, iyadoo ay sababta ugu wayna tahay khilaafka kala dhexeeya Farmaajo iyo in ay diidanyihiin wax ku darsigiisa.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasada ee durbababa soo ifbaxaya ayaa u muuqda in dhacdooyinkii lixdii sano ee la soo dhaafay ay qaabeyn doonaan hannaanka ay mucaardka dowladda iskula fal gali doonaan.

Arrinta kale ee xiisaha yeelan doonta ayaa ah sida ay dowladda fedraalka ka yeesho doorashooyinka maamul goboleedyada oo ay dhammaan madaxada kuraaasta ku fadhisa ay quudareynayaan sidii ay u soo laaban lahaayeen, iyadoo la sheegayo in mugdi iyo madmadow soo kala dhexgalay madaxda dawlad Goboleedyadii qaar iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Weli lama oga xiriirka Xasan Sheekh iyo Deni iyo halka ay ku dambeyn doonto gogooshii Garowe tiilay ee uu Madaxweynahana aqbalay.

Siyaasada Soomaaliya oo kala barkii muddo xileedka joogta ayaa u muuqata in uu bilawday loolalnkii doorashooyinka 2026.

Ad
Previous articleXasan shiikh oo Saxiixay Sharci Cusub oo Mudo laga Sugaayay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey dhacdooyin argagax leh oo saacado gudahood ka dhacay Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here