Home Wararka Maanta Booliska Soomaaliya oo War Layaab leh ka Soo Saaray Afduub loogu...

Booliska Soomaaliya oo War Layaab leh ka Soo Saaray Afduub loogu Gaystay gabdho walaalo ah Muqdisho

0

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdo ka dhacday degmada Dayniile, taas oo ku saabsan Afduub jileen ah oo ay sameeyeen laba gabdhood walaalo ah.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa marka hore beeniyey in la afduubtay gabdhahaasi, sida ay warisay warbaahinta qaar, kuwaas oo lagu kala magacaabo Asmo Cabdullaahi Cismaan iyo Shaadiyo Cabdullaahi Cismaan, isla-markaana ah 15 sano jir iyo sidoo kale 13 sano jir.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in afduubka uusan jirin, balse ay soo abaabuleen labada gabdhood oo waalidiintooda u sheegay in la afduubtay.

“Afuubka la sheegay ee warbaahinta laga baahiyey ma’aha afduub sax oo jiray waa afduub ay gabdhaha abaabuleen iyaguna ay waalidiintooda u sheegeen in la afduubtay,” ayuu yiri.

 

Sababta ay sidaas u sameeyeen ayuu afhayeenku ku sheegay cabsi ka qabeen Aabahood oo Macalin Dugsi ah, kadib markii ay kasoo daaheen gurigooda, xilli habeen ah.

“Gabdhaha oo la wareystay xaqiiqdana la ogaaday ayna cadeeyeen inay ka baqayeen Aabahooda, maadaama ay xilli habeen ah soo habsaameen,” ayuu sii raaicyey.

Dhankiisa Aabe Cabdullahi Cismaan Abkow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu walwal xoogan dareemay markii uu waayey carruustiisa, wuxuuna tilmaamay in mar xitaa loo sheegay in gabdho meydad ah lasoo dhigay xaafadda Tiida ee magaalada Muqdisho.

“Intii ay gabdheheyga maqnaayeen laba gabdhood oo meyd ah ayaa lasoo dhigay xaafadda Tiida ayaa leygu dhahay” ayuu yiri Aabe Cabdullaahi, wuxuuna u mahadceliyey Booliska.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay walaac xoogan iyo cabsi soo wajahay dadka deegaanka, maadaama markii hore la sheegay in labada gabdhood laga afduubtay gurigooda, taas oo uu haatan beeniyey taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo saameey baaritaano dheeri ah

 

 

 

 

Ad
Previous articleNISA oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka fulisay Gedo
Next articleDagaalka Afdheer oo galay Maalintiisii afaraad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here