Home wararka Dalka Daawo Sawirada Deegaanka Ceelhuur iyo Xaalada Dhabta ee Xiligan ka Taagan Warbixin...

Daawo Sawirada Deegaanka Ceelhuur iyo Xaalada Dhabta ee Xiligan ka Taagan Warbixin Xiiso leh”

0

Deegaanka Ceelhuur oo qiyaastii 50 km koofur galbeed uga beegan degmada Hobyo ee gobolka Mudug, Ceelhuur waa deegaan xeebeed istaraatiiji ah, Waxaa ayna caan ku tahay kalluumeysiga, dhaqashada xoolaha iyo tacbashada beeraha.

Inkasta oo ay tahay deegaan muhiim ah hadda ma helin mudnaantii ay laheyd, ma jiraan wax hormarin ah oo ay sameeyeen dadka dhaqaalaha heysta ee deegaanka ka soo jeeda , mana jirto maamul sidoo kale horamin ka sameeyey, marka laga reebo hey’adda IFTIIN oo iskool ka furtay deegaanka, kaas oo ay ka faa’iideysteen dadka deegaanku, iyo MCH ay hirgalisay hey’adda DEEH.

Biyo la’aanta ayaa ah caqabadda ugu daran ee deeganka ka jirta, inkastoo ay jiraan dadaal ceel riig loogu qodayo Ceelhuur, dadaalkaas oo hadii uu hirgalo ay noqonaysa in deegaanku ka gudbo caqabadda biyo la’aanta.

Biya la’aanta hadda jirta ayaa maraysa heerkii ugu sareyey, Ceelashii xeebta ku yaalay ee biyaha yar laga heli jiray ayaa gabi ahaanba biyihii laga waayey, Fuustada biyaha ayaa lagu iibsanayaa lacag dhan 120,000 Shillin somali, oo u dhiganta 5.5$, Jiilaalka ayaa saameyn ku yeeshay deegaan, muddo sanad ka badan roob fiican kama di’in.

Dadka reer guuraaga ah ayaa xoolahooda ula hayaamay deegaano kale, sidoo kale deegaanka Ceelhuur ayaa waxaa dhibaato ku haya bacaad dul dagay magaalada, iyadoo dhowr jeer magaaladu ka barakacday bacaad iyo biyo togga oo daad qaaday guryaha qaar.

Muuqalada hoose ayaan ka soo qaadaay deegaanka Ceelhuur oo Bacaad uga soo barakay 10 sano ka hor magaaladii hore, iyadoo 10 sano kadib ay qar u saaran yihiin in ay ka barakacaan deegaanka cusub oo bacaad hareereeyey.

ceelhuur1 ceelhuur2 ceelhuur3 ceelhuur4 ceelhuur5 ceelhuur6 ceelhuur7 ceelhuur8 ceelhuur9 ceelhuur10

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here