Home Wararka Maanta Kenya iyo Soomaaliya oo ku hesheeyay 11 qodob oo uu ka mid...

Kenya iyo Soomaaliya oo ku hesheeyay 11 qodob oo uu ka mid yahaya qaadka Kenya ee Soomaaliya loo dhoofiyo.

0

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamudd ayaa maanta booqasho Rasmi ah ku yimid dalka Kenya halkaas oo uu kulamo kula yeeshay dhiggiisa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata.

Kulankaasi ka dib labada hogaamiye ayaa shir jeraa’id qabtay waxaana lagu shaaciyay heshiis 11 qodob ka kooban oo uu ka mid yahay in qaadka Kenya sida ugu dhakhsiyaha badan.

Iyadoo sidoo kale qodobada kalena la sheegay in muddo laba toddobaad gudohood ah ay ku dhaqan galaan. Soomaaliya ayaa badalka qaadka Kenya geyn doonta kalluunka Soomaaliya.

Sida ay horey u sheegeen beeraleyda qaadka ee dalkan Kenya khasaare lixaad leh ayaa ka gaaray xayiraadda la saaray qaadkii ay u dhoofin jireen waddanka Soomaaliya.Jaadka la geeyo Soomaaliya ayay sheegeen in fursad shaqo uu u ahaa dad badan, kuwaas oo ay sheegeen in haatan ay shaqo la’aan noqdeen.

Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda jaadka ee dalka Kenya, ayaa BBC-da u sheegay in maalin walba ay khasaaraan lacag ka badan 150 kun oo doollar, maadaama aanay jirin suuq la geeyo qaadkii ay Soomaaliya gayn jireen.

Ad
Previous articleDeg Deg:Nabadoon kale oo Caan ka ahaa Degaanada Galmudug oo Cawa Lagu Dilay Muqdisho
Next articleMareykanka oo ka caraysan Turkiga ayaa tallaabo kale qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here