Home Wararka Somaliya Galmudug Wasiirka Amniga Galmudug iyo Wasiiro Kale oo Gaaray Deegaanka Qaayib oo Alshabaab...

Wasiirka Amniga Galmudug iyo Wasiiro Kale oo Gaaray Deegaanka Qaayib oo Alshabaab Dagaal Culus ku Qaadeen(Sawiro)

0

Wasiirka amniga Galmudug Mudanne Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo u wehliyo Sanator Saciid Siyaad Shirwac iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Galmudug ayaa gaaray deeqaanka Qaayib ee hoostaga degmada Baxdo.

Deegaankan waxaa saakay weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah  ku qaaday dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxaana qaraxyada kaddib halkaasi ka dhacay dagaal culus oo saacado badan socday.

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa ciidamada qalabka sida ee dowladda, kuwa Galmudug iyo ciidanka degaanka ku amaanay siday uga hortageen weerarkii Al Shabaab saakay kusoo qaadeen deegaanka .

Wasiirka ayaa  ammar ku bixiyay  in lasii wado dagaalka dalka Looga xoreynaayo kooxda  Al-shabaab, waxa uuna sheegay in ciidamada diyaar u yihiin in kooxdaasi sii baacsadaan kana saaraan guud ahaan deegaanada Galmudug.

Weerarka Al Shabaab saakay ku qaadeen deegaanka Qaayib oo dhawwaan laga saaray ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalka guulo ka kala sheegtay Galmudug iyo Al Shabaab.

Ad
Previous articleCiidmadii Laga su Gaayay inay Qabtaan Degmada Ceelbuur oo Maantay Ka Dhaqaaqay Dhuusamareeb
Next articleSenator Cabdi Ismaaciil Samatar “ Istaraatijiyadda Al Shabaab hadda lagula dirirayo waxay ku Soomaaliya ku hoobinaysaa cadaab aan dhammaad lahayn” 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here