Home wararka Dalka Dhageyso Axmed Macalin Fiqi oo Sheegay in Xaqii Muqdisho loo Bixiyay Meher”

Dhageyso Axmed Macalin Fiqi oo Sheegay in Xaqii Muqdisho loo Bixiyay Meher”

0

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ahna Xoghayaha Guud ee Xisbi Siyaasadeedka Daljir Axmed Macalin Fiqi oo Wareysi siiyay Idaacada Kulmiye ee Magalada Muqdisho ayaa ka hadlay Go’aamadii ka soo baxay Madasha wada-tashig Qaran islamarkaana Madaxda Soomaalida ay Guddiga u saareen Maqaamka Magaalada Muqdisho iyo Matalaadii Dadka ku nool Gobolka Banadir Aqalka Sare.

Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in wax laga Xumaado ay tahay in Madaxda ka soo jeeda Muqdisho iyo kuwa Xilalka ka soo qabtay Muqdisho intaba in ay Xaqiraan Xaquuqdii Dadka ku nool Gobolka Banaadir ay ku lahaayeen Nidaamka Federaalka islamarkaana la in kiro.

“Waxaan leeyahay Xaquuqdii Muqdisho in la waayo waxaa Mas’uul ka ah dadka u dhashay Muqdisho ee ka midka ah Madasha Wada-tashiga,Waxaana Xaquuqdii Muqdisho lagu bixiyay Meher waxaana la siiyay Gobolo kale”ayuu yiri AMB. Axmed Macalin Fiqi.

Halkan Hoose ka dhageyso

riix

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here