Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo Cashir adag Markale Maantay loogu Dhigay Degmada Baxda iyo Culumo...

Alshabaab oo Cashir adag Markale Maantay loogu Dhigay Degmada Baxda iyo Culumo caan ah ku Dhintay Dagaalkaas

0

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa deegaanka ah ay iska caabiyeen weerarkii ay kooxda Al-Shabaab saaka kusoo qaaday deegaanka kaasoo ku bilowday qaraxyo.

Sida ay ay dadka deegaanka noo xaqiijiyeen, dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa waxaa jab weyn lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, waxayna magaalada dhexdeeda uga carareen meydad tiro badan.

Inta la xaqiijiyey, Al-Shabaab ayaa waxaa dagaakaas looga dilay ku dhawaad 20, halka uu dhaawaca intaas ka badan yahay.

Kooxda ayaa awoodi weysay inay qaadato meydadka kadib markii ay iska caabin xoog leh kala kulantay ciidamo daacad u ah culumo ku sugan Baxdo oo halkaas ka akhriyo duruus diini ah.

Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray ciidamada dadka deegaanka ee daacadda u ah culumada Ahlu Sunna, waxaana la xaqiijiyey dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 5 kale.

Al-Shabaab ayaa horey isugu dayday inay qabsato Baxdo, balse kuma guuleysan, waxaana joogo ciidamo daacad u ah culamo halkaas ku leh madaaris waaweyn oo lagu barto diinta Islaamka.

Deegaanka Baxdo ayaa 90km u jiro magaalada Cadaado, waa deegaan hoos tago Cadaado oo aan weli loo aqoonsan degmo.

Allaha u naxariisto Salaad Warsame cabdi oo ka mid ahaa culumada aadka looga garan ogaa deegaanka ayaa saakay ku dhintay dagaalka Baxdo.

 

 

 

Ad
Previous articleAwoodda Militeriga: Soomaaliya oo ka sare martay waddan Yurub ka tirsan
Next articleWaa Imisa tirada Dagaalyanahada Alshabaab Looga Dilay Degmada Baxda?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here