Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Warar kii Ugu Danbeey Weerarkii Alshabaab ku Qaadeen Xawaadleey iyo Taliyihii Qaybta...

Warar kii Ugu Danbeey Weerarkii Alshabaab ku Qaadeen Xawaadleey iyo Taliyihii Qaybta 3aad oo ku Dhintay

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku billowday qaraxyo oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in illaa saddex qarax oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarax ay Al-Shabaab ku weerareen saldhiggaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal foolka fool ah, kaas oo u dhexeeyay xubnaha weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkan, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa duleedka degmada Balcad.

Saraakiisha lasoo wariyey in ay ku dhinteen qaraxyadaasi ayaa waxaa kamid ah Taliyihii Guutada 3-aad, Qaybta 27-aad ee Milatariga Soomaaliya Korneel Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey) oo saldhigga maamulayay iyo askar kale oo ku sugneyd xeradaas.

Dhinaca kale war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in xoogaga weerarka qaaday ay gudaha u galeen saldhigga, ayna qabsadeen hub iyo gaadiid.

Xawaadley oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa 20 KM u jira degmada Balcad ee Shabeelaha Dhexe.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, ayada oo haatan inta badanAl-Shabaab laga saaray gobolkan oo hoostaga HirShabelle, waxaana kamid ah meelaha la qabtay degmooyinka Aadan Yabaal, Ruun-nirgood iyo deegaano kale oomuddo fog ay ka talineysay kooxdu.

Si kastaba, shalay uun ayay aheyd markii ay Al-Shabaab is-miidaamin tan lamid ah, loona adeegsaday baabuur ay ku weerareen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur.
Ad
Previous articleCiidanka Dowladda iyo Kuwa Galmudug oo si buuxda ula wareegay Degmada Ceeldheer iyo owlada oo War kasoo saartay
Next articleAlshabaab oo Gaadiid Farabadan ku Qaatay Dagaalkii Xawaadleey iyo Dhimashada Farabadan oo Ka Dhashay Dagaalkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here