Home Wararka Maanta Faahfaahin Dab Xoogan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha

Faahfaahin Dab Xoogan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo saaka aroortii hore ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo illaa iyo hadda lagu howlan yahay damintiisa.

Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga kacay qaybta Cabdalla Shideeye ee suuqa, wuxuuna kusii fiday goobo horleh.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dabka uu yahay mid xooga, isla markaana uu gaystay khasaare baaxad leh.

Sidoo kale waxaa haatan soconata gurmad ay wadaan gaadiidka dab damiska dowladda hoose ee Xamar iyo kuwa shirkada Hormuud oo hada ku sugan suuqa weyn ee Bakaaraha.

Ma cadda waxaa dhaliyay dabkan, oo saameyn aad u ballaaran ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa suuqan oo ah kan ugu weyn guud ahaan Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana suuqa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sugaya amniga, si looga hortago boob loo gaysto ganacsiga suuqa.

Gubashada Suuqa Bakaaraha ayaa marar badan soo laa laabatay, dowladduna ma baarto sababta keenta dabka sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqa Bakaaraha.

Ad
Previous articleDeni oo Soo dhamaystiray Golihiisa Wasiirada
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Hoobiyaayal lagu Garaacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here