Home Wararka Maanta Maxaa looga Hadlaayaa Shirka Golaha Wadatashiga oo maanta Madaxtooyada ka furmaya?

Maxaa looga Hadlaayaa Shirka Golaha Wadatashiga oo maanta Madaxtooyada ka furmaya?

0

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta madaxtooyada Soomaaliya ka furmo shirka golaha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaana la filayaa in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada diirada ku saaraan arrimo xasaasi ah ay ugu horeeyaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ,arrimaha shidaalka iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu ka codsado madaxda dowlad goboleedyada dalka in si wadajir ah deegaanada dalka ay ka joogaan  Al Shabaab looga bilaabo howlgalo looga xureenayo.

Howlgalada Al Shabaab ka dhanka ah ayaa hadda si toos ah uga socda Hirshabelle iyo qeybo yar oo Galmudug katirsan, waxaana dowldda federaalka dooneysaa in howlgalada guud ahaan dalka laga bilaabo si loo wiiqo awoodda Al Shabaab.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa jooga magaalada Muqdisho marka laga reebo madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe oo la filayo in maanta yimaado Muqdisho, waxa uuna shirkan u badan yahay in uu furmo galinka dambe ee maanta.

Ad
Previous articleDalka Denmark oo lagu toogtay Wiil Dhalinyaro Ah
Next articleHaweeney dil argagax leh ka geesatay magaalada Muqdisho oo la qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here