Home Wararka Maanta Heshiis Milatari oo Soomaaliya la gashay labo dal oo Afrikan ah oo...

Heshiis Milatari oo Soomaaliya la gashay labo dal oo Afrikan ah oo la ansixiyay

0

Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu ansixiyay heshiis dhinaca milatariga ah oo horey Soomaaliya ula saxiixatay dalalka Sudan iyo Uganda.

Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyay ansixinta golaha wasiiradda heshiisyo is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arrimaha difaaca oo ay la galeen Uganda iyo Sudan.

‘Waxaan mahad ballaaran u dirayaa golaha wasiirada JFS oo meelmariyay heshiisyo isafgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arrimaha difaaca oo ay Wasaaradda Gaashaandhiggu horgeysay golaha sharafta leh. Heshiisyadan ayaa waxa ay wasaaraddu la kala gashay dowladaha Sudan iyo Uganda” ayuu yiri wasiirka difaaca.

Wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya ayaa cadeeyay in ay ka go’antahay dhismaha hay’ado difaac oo tayo sare leh, waxa uuna xusay in heshiiska milatari ee Soomaaliya gashay wax badan u tari doono.

Ad
Previous articleDowlada Sweden oo soo Jeedisay Sharci Cusub oo Dadka Magan-galyo doonka Quseeya
Next articleabaabul ka Dhan ah Alshabaab oo Ka Bilowday Shabeelada Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here