Home Wararka Maanta Xasan Shire Abgaal oo oo jawaab adag ka Bixiyay shirkii jaraa’id...

Xasan Shire Abgaal oo oo jawaab adag ka Bixiyay shirkii jaraa’id ee uu qabtay madaxweynaha Puntland.

0

Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridsan Deni ayaa ka jawaabay shirkii jaraa’id ee uu qabtay madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in doorashada soo socota ee madaxtinimada maamulka Puntland ay ku dhacayso nidaamka qof iyo cod.

Hirgelinta hanaanka doorasho ee qof iyo codka ah ee lagu dooranayo madaxda sare ee maamulka ayuu sheegay inay ka shaqeyn doonaan guddiga qaabilsan doorashooyinka ee PEC.

Xasan Shire Abgaal oo ka jawaabaya hadalka Saciid Deni ayaa ku tilmaamay nin iska hadlay, xilli mucaaradka ay diidan yihiin hanaanka doorasho ee uu ku dhawaaqay Deni, kaasi oo ay sheegeen in uu ku ladhan yahay qorshe muddo kororsi ama xukun maroorsi.

Xasan ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku yiri “Iska hadlow ina Igarre”.

Mucaaradka ayaa horay sharci darro ugu tilmaamay wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland, kaasi oo ay sheegeen in aan loo marin hab sharci ah, islamarkaana aan lagu dhaqmi karin.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo maalmi kahor shir ku qabsaday Garoowe ayaa isku raacay in si deg deg loo bilaabo soo xulista xubnaha baarlamaanka, iyaga oo mowqifkooda ku caddeeyay in habka kaliya ee doorashadu ay ku dhici karto ay tahay habkii hore ee 66-da xildhibaan, ee beeluhu soo xulan jireen.

Sidoo kale waxay ku goodiyeen haddii xukuumadda Saciid Deni qaadan weydo doorkii fududeynta doorashada in uusan maamulka firaaq Dastuuri ah geli doonin.

Si kastaba, arrimahaan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Garoowe, taasi oo kal hore isku rogtay gacan ka hadal dhexmaray ciidamo taabacsan mucaaradka iyo kuwa dowladda.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey ee Askar Badan ku Dhimatay Duleedka muqdisho
Next articleDowlada Soomaaliya oo ka Hadashay Macalinkii Jamacada umada ee Alshabaab ku biiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here