Home wararka Dalka Daawo Sawirada Hormarka Deegaanka Baxdo iyo Warbixin Xiiso leh oo laga Diyaariyay”

Daawo Sawirada Hormarka Deegaanka Baxdo iyo Warbixin Xiiso leh oo laga Diyaariyay”

0

Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud waxa ay qiyaastii 90 kilomitir dhanka beri ka xigtaa degmada Cadaado, Waa Magaalo hormar ka muuqdo dhanka Ammaanka, ganacsiga, waxbarashada, iyo caafimaadka.

Ma ahan markii iigu horeysay ee Baxdo Booqasho ku tago, Balse waxaan jecleystay inaan Booqashadeydii Maanta akhristayaasha la wadaago, Dhulku waa Barwaaqo, Nabad iyo Nagi ayaa ka jirta.

Wadada u dhaxeysa Cadaado iyo Baxdo ayaa waxaa ku yaala deegaano Badan sida: Gidheys, Habaasleey, Carmooleey, Ardo, Afwaax. Waxa aan fursad u helay inaa muuqaalo ka qaado deegaanadii ay marayey, waxaana ka mid ah wiilkan yar ee sawirka ka muuqda oo kula kulanay wadada u dhaxeysa Ardo iyo Baxdo, waa kuray yar u tafaxeytay inuu shaqada reerka dhankiisa ka qabto, waxa uu wadaa rati dhaan ah, wuxuu ahaa muuqaal isoo jiitay, gaariga aan la socday oo degdegsanaa Awgeed iima suurta galin inaan la sheekeysto inanka yar.

Muddo 2 saac ku dhow oo socod ah, waxaan gaarnay Magaalada Baxdo, waa magaalo ganacsi ahaan ku xiran Galkacyo iyo Cadaado, Waxaa Baxdo ka jiraa laba iskool, dugsi hoose dhexe oo ay dhistay hay’adda UNICEF waxaana iskoolkan dhaqaalaha waxbarashada bixisa hey’adda IFTIIN,  iyada ayaana gacantana ku haysa, waxa kale oo goor dhow la dhisay dugsi sare oo loo dhisay hab casri ah, waxaana maalgalisay dhismihiisa hey’adda MERCY CORPS, dugsigan sare ayaa la filayaa in la furo August 2016 si ardaydu wax ugu Bartaan, waana Markii ugu horeysay oo ay degmada Baxdo yeelato Dugsi sare.

Dhanka Caafimaadka Baxda waxaa ka jira Health Center(Xarun Caafimaad) oo ay dhiseen haweenka degmada Baxdo, waxaana hadda howshiisa wada Hey’adda SAVE THE CHILDREN, oo bixisa mushaarka shaqaalaha iyo dawadaba.

Tan kale ee soo jiidashada leh ayaa ah in Magaalada ay dhanka koofur-bari kaga soo jeedo Buurta HAL-QADIRO, oo la ii sheegay in ay Magaca loogu bixiyey in  geela hadii uu dhanka shishe ka maro aan la arki karin, Waa Buur ay yaqaan dadka Baxdo ku nool iyo kuwa Booqda intaba.

Baxdo waa Magaalo ku caan ah faafinta diinta islaamka, waxaa ku yaala masaajid waaweyn iyo Dugsi quraanno, waa goob ay dadkeedu aad u qadiriyaan Culimada, taas oo keentay in Culimadu yihiin marjaca ugu dambeeya ee bulshada kala saara.

Sidoo kale Magaalada ayaa Biyaha ka hesha ilaa 3 Ceel riig oo magaalada Ku yaal, inkastoo la ii sheegay in mid ka mid ah ceelasha oo ciladoobay, waxaana xaafada ku jira tubooyin, Qiimaha biyuhuna waa 0.5 dollar fuustadii.

Dhanka Ammaanka magaaladu waa nabad, waxaana ka jira maamul,  inkasta oo Baxdo hormar sameynaso hadana waxa ay u baahan tahay maalgashi iyo hormarin badan.

Qalinkii: Maxamed Dhagacade

baxdo1 baxdo2 baxdo3 baxdo4 baxdo5 baxdo6 baxdo7 baxdo8 baxdo9 baxdo10 baxdo11 baxdo12 baxdo13 baxdo14 baxdo15 baxdo16 baxdo17 baxdo18 baxdo19 baxdo20 baxdo21

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here