Home Wararka Maanta Dowlada Federalka Soomaaliya oo war kasoo saaray xirnaashaha waddooyinka iyo garoonka Aadan...

Dowlada Federalka Soomaaliya oo war kasoo saaray xirnaashaha waddooyinka iyo garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu soo rogay bandow, ayada oo la xiray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo waddooyinka muhiimka ah, sababo la xiriira booqashada madaxweynaha Jabuuti.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay tallaabada ay qaadeen laamaha amniga ee lagu joojiyay dhaq-dhaqaaqa waddooyinka iyo duulimaayada garoonka.

Saraakiisha hay’adaha amniga ayaa shaaca ka qaaday in muddada ay joogto martida ay xirnaan doonaan waddooyinka, waxayna shacabka ugu baaqeen inay dulqaad muujiyaan.

Ujeedka loo hakiyay dhaq-dhaqaaqa ayaa hay’adaha amniga waxa ay ku sheegeen sugidda amniga muddada uu dalka uu joogayo Madaxweyne Geelle oo ku soo socda Muqdisho.

“Hay’adaha ammaanka ayaa Muwaadiniinta sharafta badan ee Soomaaliyeed ka dalbanaya in ay dulqaad muujiyaan maadaama isu socodka la adkeeyay si amniga martida loo sugo,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee magaceeda loo soo gaabiyo (SCAA) ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan ku wargelisay amarka lagu hakiyay duulimaadyada maanta ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Hay’adda ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in go’aankan uusan saameyn doonin diyaaradaha gargaarka ee isticmaala garoonka weyn ee Aadan Cadde.

“Wargelintan, saameyn kuma yeelanayso diyaaradaha gargaar degdeg ah ( Air Ambulance ) kuwa ay ciladda qabsato iyo diyaaradaha VIP-da ah,” ayaa markale tiri Hay’ddu.

Si kastaba, madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo gaar ah la yeelan doono dhiggiisa Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna kadib xarigga ka jari doonaan dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA.

Ad
Previous articleWadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saakay Gabi ahaanba Xiran iyo Sababta oo la Shaaciyay
Next article“Ala muxuu ciyaartoy yahay” Jamaahiirta Man United oo amaan ugu qubeeyay burburiyaha khadka dhexe ee kooxdooda ee Casemiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here