Home Wararka Maanta Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Gacanta kusoo Dhigay Askarigii kibirka Ku Dilay Sacad...

Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Gacanta kusoo Dhigay Askarigii kibirka Ku Dilay Sacad Muuse

0

Ciidanka Booliska Dowlada Somalia ayaa gacanta ku dhigay askari ka tirsan ciidamada milateriga oo sabaab yaab leh u dilay qof shacab ah.

Dilkan ayaa shalay ka dhacay goob timajare ah oo ku taalla degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir sida uu sheegay afhayeenka Booliska Somalia.

“Booliska oo kaashanaya laamaha kale ee amaanka iyo shacabka ayaa gacanta ku dhigay askariga oo ku jiray xaalad baxsad ah sharciga ayaana la soo taagi doonaa” ayuu intaas ku daray afhayeenka.

isagoo hadalkiisa sii wata ayaa afhayeenku waxaa uu faahfaahin ka bixiyey sida uu dilkan u dhacay.

“Askariga oo qorigiisa wata ayaa tagay goob Timajare ah nin ayaa ka horeeyey wuxuu ka dalbaday inuu ka horumaro ninkii ayaa diiday arrintaas ka dibna askariga qorigiisa ayuu la baxay halkaas ayuu ninkii ku dilay” ayuu yiri afhayeenka oo nasiib daro ku sifeeyey dilkaas.

Ad
Previous articleFaahfaahin:Puntland oo qoraal yaab leh kasoo saartay go’aanka lagu xirayo qunsuliyadda Itoobiya
Next articleSoomaaliland oo Si layaab leh uga Jawaabtay go’aanka lagu xirayo qunsuliyadda Itoobiya ee Hargaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here