Home Wararka Maanta Kabtan Shariif oo ku Dhashay Degmada Wisil oo Asagoo Sarkaal Sare ah...

Kabtan Shariif oo ku Dhashay Degmada Wisil oo Asagoo Sarkaal Sare ah Alshabaab la Shaqaynaayay oo Dil Toogasha ah Lagu Xukumay

0

Maxkamadda Ciidamada ayaa Dil toogasha ah ku Xukuntay Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, taliye Ururkii Military-ga ahaa ee Alshabaab Qaraxyada Gawaarida ah u dhigi Jiray goobaha Ganacsi ee diida Baaddakoxda Alshabaab.

53 jirkan ku dhashay Wisil Mudug, waxaa la soo Xeray November 19 Keedii Sanadkii tegay.

Ilaa 27 qof inta la xaqiijiyay ee Diiwaan Dowladda galay ayaa ku dhintay Qaraxyo uu dhigay.

Dhawaan ayuu kasoo muuqday Maxkamada Ciidmada Qalabka Sida isagoo oo Qortay inuu Lashabaab si hoose ula Shaqaynaayay Wuxuuna Sheegay inuu Ku Biiray Markii Xil uu Haayay laga Qaaday oo uu ka Xanaaqay Arinkaas Kadibna uu Alshabaab u Tagay kana Codsaday inuu la Shaqeeyo asagoo Dowlada Ka Tirsan.

Ugu Danbayn Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ayaa Dil Toogasha ah ku Xukuntay Maantay.

Ad
Previous articleCiidmada PSF Puntland oo Si wayn loogu soo Dhaweeyey Degmada Xeebeedka Hobyo(Sawiro)
Next articleWasaarada Caafmaadka Soomaaliya oo Amartayna in La joojiyo Isticmaalka Laba Sharoobo oo dadka Soomaaliyeed aad uisticmaaalaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here