Home Wararka Maanta Shir looga Hadlaayay Qaabkii Looga Hortahi lahaa Xadgudubka Itoobiya oo Muqdisho lagu...

Shir looga Hadlaayay Qaabkii Looga Hortahi lahaa Xadgudubka Itoobiya oo Muqdisho lagu Qabtay

0

Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlay amniga guud iyo difaaca dalka, maadaama ay soo korortay xiisad u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulankan oo si gaar ah u dhexmaray taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa lagu gorfeeyay xaaladaha soo kordhay.

Saddexda taliye ayaa si gaar ah kulankooda diiradda ugu saaray sidii loogu diyaar garoobi lahaa difaaca dalka, waxayna go’aamiyeen in laga hortago damaca Itoobiya ee badda.

War kooban oo kasoo baxay kulankan saddex geesoodka ah ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Soomaaliyeed ay ka hortagi doonaan cid kasta oo dhibaato ku ah dalkeenna.

“Kulanka si guud waxaa looga hadlay difaaca dalka iyo in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo dhibaata ku ah Qaranimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday arrimo ku aadan howlgallada ka socda dalka, gaar ahaan dagaalka adag ee ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxd Al-Shabaab.

“Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa sidoo kale ka shiray amniga guud ee dalka iyo sidii la isaga kaashanlahaa dagaalka kooxaha Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan xiisad xoogan ay kala dhexeysaa Itoobiya, taas oo laga cabsi qabo inay isku rogto dagaal, maadaama ay arrintu faraha kasii baxeyso, xadgduubna ay gaysatay Itoobiya kadib heshiiskii bada ee ay dhowaan la gashay maamulka Somaliland.
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey askartii Mareykanka ee lagu waayay xeebaha Somalia
Next articleNin si arcan Dara ah u dilay Wiil uu adeer uyahay oo Muqdisho lagu Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here