Home Wararka Somaliya Galmudug Xiisada ka Taagan Iskuul ku yaal Magaalada Gaalkacyo oo Wasaarada Waxbarashada Galmudug...

Xiisada ka Taagan Iskuul ku yaal Magaalada Gaalkacyo oo Wasaarada Waxbarashada Galmudug Dhawaan ay Xirtay

0

Dugsiga Caalamiga ee Yamays international School Ayaa xiran maalintii 2.aad ka dib markii uu albaabada isku dhuftay Gudoomiyaha Gobalka mudug iyo kan wax barashada

waana schoolkii saddeaxaad ee xirma mudo laba bilood ah .

waxaa bishii hore xirmay dugsiga hoose dhexe ee seemade ee degmada jariiban iyo dugsiga Madiina ee ku yaal Galkacyo.

gudoomiyaha gobalka mudug iyo kan waxbarashada ayaa horay tabashooyin badan ay ka soo gudbiyeen Shacabka ku nool gobolka Mudug

Dugsiga Yamays oo ay dhigtaan 2000 oo arday oo mudo 20 sanno u shaqaynayay bulshada Galkacyo ayaa hadda laga cabsi qabaa inuu dib u furmo oo halkaas ku waxbarasho waydo ku dhowaad 2000 oo arday

waxaa hadda schoolka isku hor fadhiya ciidanka dowlada iyo maleeshiyaad ku hayb ah maamulaha dugsiga oo ka gadoodsan in laba nin oo isku beel ah isku kaashadaan in ay xiraan school aan wax dhib ahi ka jirin maamulkiisa

Dhanka kale waxaa arinta xalkeeda wali kujira garaad maxamed cilmi shirwac iyo wax garadkale

 

 

Ad
Previous articleDagaal Culus oo ka Socda Tuulo u Dhow Degmada aadan yabaal iyo Alshabaab oo Hub Looga Furtay
Next articleDowladda Soomaaliya oo bixineysa AqoonsigA dadweynaha ID si loo helo Xogta dadweynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here