Home Wararka Maanta Muuse Biixi oo u ambabaxay Dalka Jabuuti oo uu Ku suganyahay Madaxweyne...

Muuse Biixi oo u ambabaxay Dalka Jabuuti oo uu Ku suganyahay Madaxweyne Xasan Shiikh Xili La Filaayo inay Bilowdaan Soomaaliland Iyo Soomaaliya

0

Madaxweynaha maamulka  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo oo maalmo kooban qaadan doona ugu ambo baxay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Safarka madaxweynaha Somaliland ugu baxay dalka Jabuuti waxaa ku wehliya wasiirro katirsan maamulkiisa, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa kasii sagootiyay wafdiga madaxweynaha masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaato madax katirsan dowladda Jabuuti , lama shaacin ilaa hadda ujeedka safarka madaxweynaha Somaliland.

Safarka madaxweyne Muuse Biixi ugu mabo baxay ayaa kusoo aadaya xili Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sugan yahay dalka Jabuuti, halkaas uu kusoo xiray shir ka socday.

Dowladaha Norwey iyo Turkiga ayaa wada dedaalo mar kale dib loogu bilaabayo wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaana masuuliyiin katirsan labada dowladood la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi.
Ad
Previous articleMadaxweynaha Somaliland Oo 7 Shardi Ku Xiray Wadahadalka Soomaliland iyo Soomaaliya ee Xasan Shiikh Shaaciyay
Next articleJarmalka oo xiray 25 qof oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen afgambi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here