Home Wararka Maanta Warar Dheeri ah Ciidanka Galmudug iyo Dowlada oo la Wareegay Deegaanka Wabxo

Warar Dheeri ah Ciidanka Galmudug iyo Dowlada oo la Wareegay Deegaanka Wabxo

0

Ciidamada dowlada Somalia ayaa goor dhoweyd la wareegay Degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo muddo dheer fariisin u aheyd kooxda Al-shabaab

Ciidamada la wareegay degaankaasi ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday deegaanka Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday muddo kooban.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cabdi Raage iyo Saraakiil Kale ayaa horkacaya ciidamada galabta la wareegay degaanka Wabxo.

Xoogagii Al-shabaab ee ku sugnaa degaankaas ayaa ka baxay ka dib iska caabin aan sidaa u weyneyn oo ay kala hortageen ciidamada DF.

Milatariga Somalia oo garab ka helay dadka deegaanka ayaa barqanimadii maanta la wareegay deegaanka Warxolo oo wax ka yar 17-km dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Wabxo.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah howlgalka ciidamada DF  ka wadaan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ee Al-shabaab looga saarayo degaanada ay mudada dheer a talinayeen.

Ad
Previous articleUlf Kristershon oo sheegay in Sweden la Dagaalameyso Argagixisada isagoo ku sugan Ankara
Next articleFinland to send €16 million in aid to Horn of Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here