Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Nabad sugida Galmudug oo Howlgallo ka sameeyay Dhuusamareeb

Ciidamada Nabad sugida Galmudug oo Howlgallo ka sameeyay Dhuusamareeb

0

Ciidanka Booliska iyo kuwa Nabadsugida Maamulka Galmudug ayaa habeenkii aheyd howlgal ka sameeyay inta badan xaafaddaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas, waxaana laga helayaa faah faahino.

Ciidanka Maamulka ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay xaafadaha Waaberi iyo Horseed oo ay dhac ka geysteen kooxo ku hubeysan tooreeyo, waxaana howlgalka lagu soo qabtay soo qabtay dad looga shakiyay falal amni darro ah.

Sidoo kale inta uu howlgalka socday ayey Ciidanka Booliska ku qabteen rag watay hub sharci darro ah oo kal hore laga mamnuucay ku waadashada gudaha Magaalada, kuwaasi oo haatan baaritaano ku wadaan Ciidamada Booliska.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo uu horreeyay Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb G/le Maxamed Mirre Maxamuud ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa mid lagu doonayay in lagu xaqiijiyo amniga Caasimadda.

Taliye Maxamed Mirre Maxamuud ayaa shacabka Magaalada ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego falalka ay geystaan ragga burcada ah ee ku hubeysan tooreyada.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhawaan ka dhacay weerar loo adeegsaday tooreeyo oo geysteen rag hubeysan oo burcad ah, kuwaasi oo dhaawacay saddex qof, isal markaana ka qaatay telefoono ay wateen, xiligaas.

Ad
Previous articleMadaxda Galmudug iyo Konfur galbeed oo Shuruudo ku xiray ka Qeyb-galka Shirka Wadatashiga
Next articleTalaalka COVID-19 oo soo gaaray Muqdisho (SAWIRO)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here