Home Wararka Maanta Kooxda ALshabaab oo Markii ugu Horaysay Xayiraad Kusoo Rogtay Shirkada isgaarsiinta ...

Kooxda ALshabaab oo Markii ugu Horaysay Xayiraad Kusoo Rogtay Shirkada isgaarsiinta Hormuud

0

Idaacada VOA ee xarunteeda tahay dalka Mareykanka ayaa baahisay in dagaalyahanada Al Shabaab xayiraado kusoo rogtay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.

Xubno lagu kalsoonaan karo oo magacooda qariyay ayaa idaacada VOA u sheegay in Al Shabaab joojiyeen dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkadda ugu weyn Soomaaliya ka howlgasha.

Wali lama oga sababta rasmiga ah ee Al Shabaab xayiraada ugu soo rogeen shirkadda isgaarsiinta Hormuud, maamulka shirkadda ayaa sidoo kale ka hadlin warkan ku aadan in Al Shabaab xayiraad kusoo rogeen.

Saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya ayaa horey u sheegay in Al Shabaab bilaabeen in isgaarsiinta ka jaraan deegaannada dagaalada looga qabsado, waxa ayna saraakiishan sheegeen in iyaguna si degdeg ah deegannadaasi uga hirgiliyaan isgaarsiinta.

Al Shabaab ayaana la sheegay in aysan ku qanacsaneyn in si degdeg ah nolosha ugu soo laabato deegaannada laga qabso sidoo kale ka shaqeeyaan isgaarsiintii ka jirtay deegaannadaasi sida ay sheegeen khuburo dhinaca amniga ah.

Ad
Previous articleDowlada Hindiya oo Gantaallada Pralay dhigeysa Xuduudaha China iyo Pakistan ay Lawadaagto
Next articleilhaan Cumur oo Xaflad aan Caadi ahayn oo Soo Dhawayn ah Loogu Qabtay Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here